Saxilnews.com
Dag Dag:- Muuse Biixi Oo Saacadaha Soo Socda La Filayo Inuu Qaado Talaabo Ku Digasho Ah + Waxaa Uu Sameyn Doono + Saadaasha Dadka
January 12, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bilaabay, isla markaana sacada yar ka dib gudda gali doona, arrin ku cusub dhagaha iyo maqalka bulshada Somaliland.

Waxaana maanta oo Khamiisa garoonka kubada cagta ee Ciyaar-same , oo ku yaala galbeedka magaalada Hargeysa uu ku ciyaari doona koox uu wato iyo koox kale oo ay is balan-sadeen.

Arrinkani ayaa waxaa uu dhaliyay fajac iyo amakaag in qof dhawr iyo todobaatan jir ahi uu wakhtigan u bu,o in uu ciyaaro kubad xili la doonayay in uu ka fikiro sidii loo samata bixin lahaa dadka ay abaartu naafeysay, iyo kuwa sixir bararka la daala dhacaya.

Kooxda ka ag dhaw dhaw, Muuse Biixi ayaa u soo la-qintay inuu dhex istaago garoonka iskana mid ciyaaraya.

Geesta kale waxaa ka daa-dagila dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa, iyo inta maqashay warkanba in la yidhaaho Muusa maanta kubad ciyaaraya.

Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa hadii uu soo galo goor-dhaw garoonka ama kubadaasi kaga dhabeeyo oo uu ciyaaro kuwaayi doona, kalsooni badan oo uu shacabka uu  codka ka doonayo uu ku qabay.

Dadka dhaliila siyaasada Muuse Biixi iyo kuwa taageeraba qaar ka mid ahiba waxaa ay aaminsan yihiin in arintani ay tahay mid wiirsi iyo ku digasho ku ah bulshada tabaaleysan ee Somaliland.

 

 

COMMENTS
Latest News