Saxilnews.com
DABCASAR OO SHALAY SOMALILAND LAGA MASTAAFURIYAY LAGANA DHOOFIYAY MADAARKA DIYAARADAHA HARGEYSA EE CIGAAL OO SAAKA DIB UGU SOO LAABTAY HARGEYSA IYO SABABTA KEENTAY
December 22, 2017 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews.com)-Cabdiraxmaan Dabcasar oo maalintii shalay aheyd dawlada Somaliland ka musaafurisay dalkeeda ayaa saaka dib ugu soo laabtey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland

Dabcasar ayaa la sheegay in xukumadu ay u musaafirisay dalka Jabuuti oo uu codsadey in loo duuliyo , isla markaana waxaa naloo sheegay in sababta soo celisay ay tahay Jabuuti oo diiday in Dabcasar dalkeeda galo isla markaana waxaa ay Jabuuti Dabcasar soo saartey diyaarada Air Jabuuti oo goor dhaweyd ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa .

Image result for Dabcasar

 Markii uuu ka soo degay Diyarada Air Jabuutiayaa lamaha amaanku ay xidheen Dabcasar isla markaana waxaa la filayaa in loo musaafuriyo dalka Imaraadka oo lala sugo diyaarada Fly Dubai oo bari iman doonta magaalada Hargeysa .

Sidoo kale waxaa xusid Mudan in Dabcasar uu diiday in loo musaafiriyo magaalada Moqdisho ee dalka Somaliya

COMMENTS
Latest News