Saxilnews.com
Daaw:Shacabka Gobolka Sool Oo Soo Dhawayn Mug Leh Ku Qaabilay Weftigii Uu Hogaaminayey Musharaxa Madaxwaynaha Ee Xisbiga Kulmiye,
August 9, 2017 - Written by Siciid dalmar

 

Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa soo dhaweyn ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo arrimola xidhiidha wacyigelinta kaadhadhka cod-bixiyayaasha halkaas u jooga.

Weftigan oo ay xubno ka yihiin wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, ayey dadweynaha ku dhaqan magalaada Laascaanood kaga hor tageen dhinaca Galbeed ee magaalada iyaga oo lualaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE, waxana ay muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa.

Dadweynaha reer Laascaanood, ayaa murrashaxa iyo weftiga la socday u gelbiyey dhinaca gudaha magaalada, waxana ay iyaga oo wata boqolaal gaadiid ah oo lulaya calamada xisbiga, isla markaana ay saaran yihiin taageerayaasha KULMIYE kusoo wareejiyeen gudaha magaalada Laascaanood maanta.
Murrashaxa iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa markii dambe dadweynaha kala hadlay goob fagaare ah, iyada oo guddoomiyaha iyo xubnaha weftiga ahina si ballaadhan uga mahadnaqeen soo dhaweynta loo sameeyey ee hagar la’aanta ah.
Image may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, standing, crowd and outdoorImage may contain: 20 people, people smiling, people standing and crowdImage may contain: 5 people, child and outdoorImage may contain: 1 person, standing, car and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, wedding, suit and outdoorImage may contain: 18 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 11 people, people standing and crowdImage may contain: 16 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 14 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, crowd and outdoorImage may contain: 25 people, people smiling, people standingImage may contain: one or more people, sky, car and outdoorImage may contain: 3 people, crowd, child, shoes and outdoorImage may contain: 1 person, outdoorImage may contain: 1 person, walking, crowd and outdoor

COMMENTS
Latest News