Saxilnews.com
Daawo”Dawlada Oo Dhami Waxay Ku Mashquulsan Tahay Maxaa Laga Yidhi Masaajidka Xawaadle , Wasaraadihiina Waxay Noqdeen Dukaan Nin Leeyahay ..” Sheekh Aadan Siiro
March 4, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Sheekh Aadam Siiro oo ka mid ah culimada waa weyn ee reer Somalilandwaxaa uu khudbadiisii saalada jumce ee maanta ku sheegay in siday u dhantahay xukuumada Madaxweyne Siilanyo ay tahay mid ku mashquulsan siday u ogaan laheyd waxa lagag hadley Khudbada Jumce ee masjidka Xawaale oo uu sheekhu Qudbada ka galo

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wasaarad kasta oo Somaliland ahi ay noqotey dukaan uu nin leeyahay isla markaan wasiirku uu wasaaradaas ku uruurinaayo reerkooda oo qudha

 

” Wasaarad kasta oo aad tagto waxaa ay noqotey tukaan uu nin leeyahay , reerkooda ayuu ku uruurinayaa wakhtiga uu doono ayuu imanayaa iskagana tagayaa” ayuu yidhi sheekhu

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News