Saxilnews.com
Daawo:-Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Xukuumadu Karaamo Dishay Maamuuskii Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici
June 28, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa (Saxilnews):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu sheegay in xukuumada Kulmiyeay karaamo dishay meeqaamkii iyo maamuuskii madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici

 

Siyaasi Kayse Cali Geedi oo ka tirsan xisbiga Waddani isla markaana la Hadley telefishanka SAAB TV waxaa uu tilmaamay in habeenkii dhaweyd madaxtooyada Somaliland loogu dabaal degaayey xuska 26 June ay aheyd mid qarbo qarbo ah , wax xurmo ah oo madaxweyne ku xigeenka la siiyeyna aaney jirin mar hadii ciidamadu aaney siin madaxweyne ku xigeenka saanta ciidanka , calankana la saaray  goobtana aaney jirin waxaaana uu yidhi

 

” Dalka madaxweyne ku xigeen ayaa ka jira marka uu madaxweynuhu maqan yahay ku xigeenka ayaa karaamadii madaxweynaha leh oo sii haye ah lama siin karamadii iyo sharaftii uu lahaa , salaantii ciidanku mey bixin , calankii lama saarin  ee 10 habeenimo ayaa meesha lagu kala dareeray daa markaas meesha hadii ay ciyaal suuq nimo ka socoto xisbi qaran baanu nahay ee ma nimaadno .

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku waxaa ay inaga mudan yahiin sharaf , marka  uu madaxweynuhu baxo ku xigeenkiisa ayaa xurmadii leh , markaas marka madaxweyne ku xigeenkii la xurmeyn waayey Waddani meesha maxuu ka soo doonaa ” ayuu yidhi siyaasi Kayse Cali Geedi

Sidoo kale Siyaasi Kayse Cali Geedi ayaa ka Hadley sababta u xisbiga Waddani uga soo qeyb gali waayey munaasibadaas

” Anagu xisbiga qaran baanu nahay , xisbi qarana waxuu la macaamilaa marka heer qaran jirto ee si qaran nimo ah wax loo qabanaayo waa oogtahay sidii sanadadii hore loo qaban jiray xuska 26 looma qaban tan ” ayuu yidhi

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News