Saxilnews.com
Daawo:-Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Ganafka Ku Dhuftey Guddi Mus-Dambeed Ah Oo Madaxwayne Siilaanyo Sheegay In Dhawaan Magacaabi Doono
March 29, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews)Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si cad uga hor yimi guddi uu madaxwayne Siilaanyo sheegay in uu dhawaan magacaabi doono kuwaasi oo la shaqayn doona Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland.

Masuuliyiintan xisbiga Oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiska xisbiga ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ugu baaqeen Madaxwayne Siilaanyo in aanay komishanka u baah nayn Guddi kale oo carqaladaysa,

Waxaanay uga digeen magacaabista Guddidaasi Madaxwayne Siilaanyo ka dhawaajiyey in uu dhawaan isku keeni doono.

Dhan kale masuuliyiinta xisbiga Waddani waxa ay dhaliilo xoogan u soo jeediyey Xukumada madaxwayne Siilaanyo ee ka dhalatay xisbiga Kulmiye

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

COMMENTS
Latest News