Saxilnews.com
Daawo:-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog Oo Miiska Soo Saaray Sababta Xisbiyada Mucaaridku Muddo Kordhinta U Rabaan Kulmiye na U Diidan Yahay
January 8, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah mudanaayaashagolaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu ka hadley sababta ay xisbiyada mucaaridku ugu sacabo tumayaan muddo kordhin mar kale loo sameeyo xukuumada xisbiga Kulmiye na u diidan yahay

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in xisbiyada mucaaridku doonen muddo kordhin balse ay ka naxayaan dadkoodii oo abaaro xoogani haystaan oo ay xoolihiina ka madheen

 

Sidoo kale xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in sababta uu xisbiga Kulmiye u diidan yahay in muddo kordhin loo sameeyo ay tahay isaga oo aamisan in gobalada galbeedka aanay abaari ka dhicin

” Waanu ognahay in xisbiga Kulmiye is leeyahay galbeed baanay abaaro ka dhicin ee doorashada sidaas ha lagu galo ” ayuu yidhi xildhibaanku

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News