Saxilnews.com
Daawo:- xildhibaan-buubaa_f Xisbiga Waddani Oo Ka Jawaaabey Eedeymo Shalay Uga Yimid Madxweyne Ku Xigeen, Fariin Digniin Ahna U Diray Xubnaha Uu Muumin Seed Hogaaminayo
October 31, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):- Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadley magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ugu horeyn ka jawaabey eedeymo maalintii shalay aheyd uga yimid madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici

 

Waxaa uu sheegay  xildhibaanku in ay Muddane Saylici u qurux badan tahay in uu aamuso isaga oo xusay in uu saylici kursigan uu fadhiyo ku yimid qaab afduub ah oo bulshada Somaliland wada ogtahay

Sidoo kale waxaa uu xildhibaan Buubaa tilmaamay in Madaxweyne ku xigeenku isaga oo ah ninkii labaad ee qaranka uu hankiisa noqdo in uu ku xigeen u noqdo nin dibada iska jooga oo aan xil hada haynin

Dhinca  kale Muddane Buubaa afhayeenka xisbiga Waddani waxaa u fariin u diray xubno xisbigaasi dibad joog ka ah oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Axmed Muumin Seed waxaaa uu ugu baaqay in ay xisbigooda dib ugu soo noqdaan oo ay dhistaan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

 

COMMENTS
Latest News