Saxilnews.com
Daawo:-Wiil Uu Dhalay Gudoomiyihii Sarriflayaasha Somaliland Ee Saldhiga Hargeysa Ku Dhex Geeriyooday Xalay Oo Ka Hadlay Geerida Aabihii Ku Timi,Cidda Bixisay Xadhigiisa,Farriin Adag-na U Direy Madaxwayne Siilaanyo
January 26, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)- Caydaruus Cabdilaahi Cali oo ah wiilka uu dhalay alla haw naxariistee gudoomiyihii sarriflayaasha Somaliland Cabdilaahi Cali Barre oo xalay ku dhex geeriyooday saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa kadib markii ay xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay shalay ayaa shaaca ka qaaday cidda bixisay xadhiga lagu xidhay aabihii,sidoo kalena waxa uu ka hadlay geerida ku timi aabihii Cabdilaahi Cali Barre, waxaana uu sheegay in aanay ila hadda garanayn sababta aabihii loo xidhay.

Sidoo kalena waxa uu fariin adag u direy madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

Dhakhaatiirta cusbitaalka way nee magaalada Hargeysa ayaa wali ku guda jira baadhitaanka sababta uu u geeriyooday gudoomiyihii hore ee sarriflayaasha Somaliland.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

 

COMMENTS
Latest News