Saxilnews.com
Daawo:-Wasiirka Maaliyada Oo Deeq Raashin Ah Geysay Deeganada Ay Ka Soo Jeedo Ee Waqooyiga Hargeysa Xilli Gobalada Bariga Dadkii Ku Noola Dhimasho Bilaabeen
April 13, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (SaxilNews):- Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo aywehelinayaan maayarka caasimada Hargeysa iyo agaasimaha samo falka madaxtooyada ayaa waxaa ay deeq raashin ah gaadhsiiyen deeganka ay dhamaantood ka soo jeedan ee waqooyiga Magaalada Hargeysa .

 

Waxaa ay gaadhsiiyeen deegankaasi deeq raashin ah oo ay ku deeqdey Haaya’ad fadhigeedu yahay dalka Qadar iyaga oo u qeybiyey 400 oo qoys oo ku nool halkaas

 

Deeqdan ay wasiirka maaliyadu gaadhsiisey deeganada ay ka soo jeedo ee waqooyiga Hargeysa ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xili dadkii ku noola gobalada bariga Somaliland ay bilaabeen dhimasho ay ku kaliftey gaajo iyo Haraad isla markaana waxaa la odhan karaa deeganada waqooyiga Hargeysa waxaa ka abaar xun gobalada bariga Somaliland

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News