Saxilnews.com
Daawo:-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Oo Goob Fagaare Ah Ku Shaaciyey Nooca Uu Yahay Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Isaga Iyo Abwaan Maxamed Baashe
July 4, 2017 - Written by suxufi
Garoowe (Saxilnews):- Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka dalka Somaliya Muddane Cabdi Faarax SiciidJuxa ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu goob Fagaare ah kaga sheekeeyey nooca uu yahay xidhiidhka Ka Dhaxeeya isaga iyo Abwaan Maxamed Baashe Xaaji Xassan

Wasiir Juxa ayaa sheegay In Abwaan Maxamed Baashe Ay Yahiin Saaxiibo in badan soo wada qaatey Wakhti Badan oo Halgan ah isla markaana ay ka wada shaqeyn jireen idaacadii Radio HALGAN .

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay In Maxamed Baashe ay saxiib ahayeen laga soo bilaa  Sanadkii 1986 kiii isla markaana kulankoodan ay Garoowe iskugu yimadeena aanu aheyn mid siyaasadeed ee uu yahay mid saxiibtinimo

Dhinaca kale Wasiirka ayaa cadeeyey in sanadkii Hore ee 2016  ay Maxamed Baashe wada joogeen magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

COMMENTS
Latest News