Saxilnews.com
Daawo” Wasiir Cadaaniyoow Munaafiqadda Iskadda, Habeenkiina Xisbi Baad Tahay Maalintii na Xisbi Kale ..” Haldoor Barkhad Batuun
March 1, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Xoghayaha cadaaladda Xisbiga WADDANI Md.Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa si adag uga hadlay eedeymo ka soo yeedhay wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland oo uu xisbiga Waddani ku eedeeyey in ay abaabulayaan mudaharaad ka dhan ah saldhiga Berbera laga siiyey dalka Imaraadka iyaga oo ay la mudaharaadayaan dad reer Somaliya ahi

Haldoor Barkhad waxaa uu sheegay in wasiirka warfaafintu uu yahay munaafaq aan la garaneyn cidda uu taageersan yahay isaga oo xusay in habeenkiina uu Xisbi gaar yahay halka maalintii na uu Xisbi kale isku soo sawiro waa sida uu hadalka u dhigaye

Sidoo kale siyaasi Barkhad Jaamac uu ka hadlay arrinta saldhiga Berbera oo u usheegay in aanay ahayn mid sharci ah isla mar ahaantaana aanay ka xisbi ahaan marnaba aqbali doonin wax qaranka hagar daamo ku ah

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News