Saxilnews.com
Daawo:– Wasaaradda Cadaaladda Iyo Diinta Baxrayn Oo Somaliland Kutub Qur’aana Ugu Deeqday
June 12, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Hargaysa (Saxilnews): Hay’adda munadamatu   dacwatu islaamiya oo   ka shaqaysa faafinta  diinta islaamka  ayaa shalay  kutub qur’aanka kariimka ah oo dhan 15200  oo kitaab ku wareejisay wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Somaliland.

Kutubtaasi oo ay  soo bixisay wasaaradda cadaaladda  iyo arrimaha islaamka ee dalka Baxrayn, waxaa wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland u gudoomay wasiirka wasaaradaasi sheekh Khaliil C/laahi Axmed.

Munaasibad kooban oo loo sameeyay wareejinta kutubtaasi oolagu qabtay xarunta wasaaradda diinta iyo awqaafta ee magaaladda Hargaysa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka diinta iyo awqaafta ee Somaliland, wasiir ku xigeenka iyo  isu-duweyaasha wasaaradda ee goboladda Maroodijeex, Togdheer, Saaxil, Sanaag iyo badhan oo ah goboladda loo sii qaybin doono kutubtaasi.

Sidoo kale waxaa dhinaca dawladda Baxrayn  masuuliyiin ka socday  wasaaradda cadaaladda  iyo arrimaha islaamka ee dalka Baxrayn, oo uu ka mid ahaa sheekh Khaalid oo ka socday hay’adda munadamatu   dacwatu islaamiya ee  ka shaqaysa faafinta  diinta islaamka.

Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa  tilmaamay qiimaha uu xagga ALLE ka leeyahay  qofka koryeela kitaabkiisa Qur’aanka kariimka ah iyo meeqaamka  ay yeeshaan kuwa hoos u dhiga ama quudhsadda.

“Qofkii ILLAAHAY (SWT) kitaabkiisa koryeela,  ILLAAHAY-na wuu koryeelaa. Qofkii qoodhsadda ama hoos yeelana, isna meeqaam hoose ayuu ILLAAHAY (swt) ka yeelaa” ayuu yidhi wasiirku.

Waxaanu wasiirku ugu baaqay isu-duweyaasha wasaaradda diinta ee goboladda kutubtaasi loo kala qaybin doono in ay ka warhayaan  goobaha lagu barto diinta  iyo  masaajidadda. Waxaanu yidhi “Waxaan ku boorinayaa isu-duweyaasha wasaaradda diinta iyo awqaafta in ay ka warhayaan goobaha barashadda diinta iyo malcaamadaha, mederasadaha, oo ay waxbarashadoodda ka warhayaan. Sidoo kale-na ay ka warhayaan masaajidadda ay kutubtu ku arraday”.

Sheekh Khaalid oo ah guddoomiyaha   hay’adda munadamatu   dacwatu islaamiya ee  ka shaqaysa faafinta  diinta islaamka, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay caawimadan kutubta ah ee ay wasaaradda diinta iyo awqaafta ku wareejiyeen.

Geesta kale hay’adda munadamatu   dacwatu islaamiya waxay 1600 oo kitaab ku wareejisay qaar ka mid ah  mederasadaha lagu barto diinta islaamka ee ku yaalla magaaladda Hargaysa.

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News