Saxilnews.com
Daawo:-Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Qiratey In Ay Ku Fashilantey Wax Ka Qabashada Shuban Biyoodka Burco Ka Dilaacey
June 1, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Wasaaradda caafimaadka Somaliland waxay sheegtay in ay ka gaabisay wax

ka qabashada xaaladda xanuunka shuban biyoodka ee ka dillaacay deegaano ka tirsan Somaliland gaar ahaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Wasiiru-dawlaha wasaaradda caafimaadka Somaliland Maxamuud Jaamac Aadan (Galaal) ayaana arrintaasi shacabka ka raalligaliyay waxaana uu uu yidhi

 

“Waa inaanu qaadanaa wixii dhaliil jira waa inaanu aqbalnaa haddaanu nahay hoggaanka wasaaradda caafimaadka dhaliishu waa hoggaanka wasaaradda oo aan kamid ahay dhaliishaa wax waan ka qabaa oo kamid baan ahay dadka la dhaliilayo markaa dhaliishaa waanu qaadanay waana raalligalinayaa shacbiga reer Somaliland..” ayuu yidhi

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News