Saxilnews.com
Daawo Warshadii Sibidhka Oo Si Arxan Daro Ah La Boobay Iyo Maamulka Gobolka Saaxil Oo Ka Hadlay
March 25, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxil News.com)-Kadib markii aanu helay xogo la xidhiidha in boob ba,an lagu hayo hadhaaga birihihii xadiidka ahaa ee yaalay warshada sibidhka Berbera iyo qalabyo kaloo isugu jira mishiino iyo agab kaloo qaaliya oo ay faro baas kuhayaan kooxaha ku mamay iiibinta biraha xadiidka ah ee loo iib geeyo dalka itoobiya ayaa waxa aanu booqasho ku tagnay goobaaha sida weyn birihii yaalay loo jarjaray oo kala ah qeybihii sameyn jiray Jiingadaha tarniiga loo yaqaan ee guryaha la saaro iyo qeybtii sameyn jirtay Tamaashiirta dugsiyada waxbarashada lagu isticmaali jiray.
Sida aad sawiradan ka arkaysaan birhani waa mishiino iyo qalab kaloo la jarjaray kadib markii lagu jarjaray oxgenta dabka ah ee sida ba,an u loogu googooyo biraha xadiidka ah.
Xaalufka warshada sibidhka ayaa waxa la sheegay inay maalin iyo habeen kawadaan warshada sibidhka berbera kooxo iskaraabka ama biraha xadiidka ah ka gancsada ooh ore xukumadu qeyb kamida warshada shamiitada ruqsad usoo siisay sida ay sheegeen qaar kamida ilaaliyaasha warshada shamiitada BerberaQaar kamida dadka xoolo dhaqatada ah eek u dhaqan agaarka warshada shamiitada Berbera oo aanu iyaga goobta kula kulanay ayaa iyaguna ka dhawaajiyay
Markii aanu xogohaasi soo dhamsytirnay ayaa waxa aanu boobkan lagu hayo warshada sibidhka Berbera qeybeheeda kala duwan ayaa waxa ka weydiinay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen cabdillahi Iyo Taliyaha Qeybta Booliska Berbera Cabdi cali Xayd

 

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News