Saxilnews.com
Daawo : War Deg Deg Ah Golaha Deeganka Gabiley Ayaa Shir Ay Isugu Yimadeen Ku Doortay Maayar Cusub
March 17, 2015 - Written by admin

Gabiley (Saxil News)-

Golaha Deegaanka Ee Degmada Gabiley Ayaa Maanta Fadhi Aan Caadi Ahay Oo Ay Iskugu Yimaaadeen Ku Doortay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Ee Degmada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi (Amiin Cumar Dheere) Oo Isagu Kamid Ahaa Xildhibanada Golaha Deegaanka Ugu Da’da Yar Islamarkaana Ka Soo Baxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid .

Fadhigan Oo Ay Kasoo Xaadireen 19 Mudane Islamarkaana Aanay Jirin Cid Kula Loolantay Tartanka Gudoomiyenimada Golaha Deegaanka Ayaa Dhamaan Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Ee Ka Soo Xaadiray Fadhigaasi Ay Gacanta U Taageen Maayirka Cusub Waxaana Sidaa Cod Aqlabiyad Ah Ay Ku Doorteen Gudooomiye Amiin Cumar Dheere .

Buuxinta Jagada Maayirnimo Ee Magaalada Gabiley Ayaa Timid Kadib Markii Maayirkii Hore Shucayb Maxamed Muuse (DHEEREEYE) Loo Magacaabay Xilka Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland .

Waa Markii U Horaysay Ee Golaha Deganka Gabiley Oo Midaysani Doortaan Maayir Cusub Waxa Ay Sidoo Kale Noqonaysaa Markii U Horaysay Ee Ay Golaha Deegaanka Gabiley Yeeshaan Kalfadhi Aan Caadi Ahay Oo La Mid Ah Kan Oo Kale Oo Masuul Ku Dooranayaan Marka Laga Tago Kalfadhigii U Horeeyay Ee Ay Ku Soo Dhiseen Maayar Iyo Xigeenkiisii Wakhtigii Golaha La Soo Doortay .

 

 

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News