Saxilnews.com
Daawo:-“Wadndani Ma Aha Xisbi Ay Cid Gaar Ahi Leedahay Ee Waa Loo Soo Kala Horeeyey Uun ” . Hogaamiye Xirsi Cali Xassa
January 5, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ooka hadlaayey munaasibada soo dhaweynta garabkii aqlabadiyada xisbiga UCID oo maanta ku soo biiray Waddani ayaa ugu horeyn madasha ka yidhi hadlo soo dhaweyn ah

Muddane Xirsi ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in xisbiga Waddani aanay jirin cid gaar u leh balse uu yahay xisbi lagu soo kala horeeyey uun

 

“Xisbiga Waddani anagaba shalay baa lanagu soo dhaweeyey , dunida dhanka Awooda waxaa ugu weyn dalka Mareykanka , Mareykan mida uu caanka ku yahay waxaa weeye cid gaar ahi ma laha ee waa loo soo kala horeeyey oo marba nin baa yimid

 Waddani na xisbi ay cid gaar ahi leedahay ma aha waa loo soo kala horeeyey” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xassan hogaamiyaha xisbiga Waddani

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News