Saxilnews.com
Daawo:-Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ka Hadley Xukunka Lagu Riday Wariye Coldoon
April 10, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuutoayaa waxaa uu ka hadley xukunka ay dhawaan maxkamada gobalka Hargeysa ay ku ridey Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon .

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu dheleeceeyey xukunka lagu xukumey wariye Coldoon isla markaana waxaa uu ku tilmamey mid sharci daro ah , xadhigiisana loo marey sifo sharci daro ah .

 

Sidoo kale gudoomiye Xuuto ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan suxufiyiin ka mid ah warbaahinta Somaliland oo sameeyey khaladka uu Cabdimaalik sameeyey mid ka sii xun, balse ay xukuumadu ku taageertey arintaasi ,loona arki karo cadaalad daro ay dawladu sameysay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News