Saxilnews.com
Daawo:-Ururka Al-Shabaab Oo Sheegtay In Ciidamada Puntland Maanta Ka Dileen 61 Askari Iyo Dawlada Oo Si Kulul U Beenisay
June 9, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Garoowe (Saxilnews):- Ururka Alshabaab ayaa sheegtay in ay saaka weerar ku qaadeen saldhig ciidanoo ay leeyihiin ciidammada maamul goboleedka Puntland.

Waxay sheegeen in ay halkaas ku dileen 61 askari oo ka tirsan ciidammadii saldhigaa joogay ayna qabsadeen 16 gaadhi.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Af-urur oo ka tirsan Galgala oo Boosaaso u jirta 70 km, halkaas oo uu ku yaalay saldhig militari oo ay leeyihiin ciidammada daraawiishta ee Puntland.

Weerarku wuxuu billawday xiligii saxuurta, wuxuuna socda in ka badan saddex saacadood.

Dhinca kale wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa waxaa uu sheegashada Ururka Al-shabaab ku tilmaamay mid been abuur ah , waxaana uu sheegay wasiirku in dadkaas ay dileen ee ay sheeganayaan ay yahiin dad shicib ah

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News