Saxilnews.com
Daawo:-Tirada Maxaabista Jeelka Weyn Ee Burco Ugu Dhimatey Shuban Biyoodka Oo Sii Kordhey Iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Oo Codsi Burco Kasoo Dirsadey
June 1, 2017 - Written by suxufi

Burco (Saxilnews):- Waxaa sii korodhey tirada maxabiista ku xidhnaa jeel weyn ee magaalada

Burco kuwaas oo u geeriyoodey xanuunka shuban biyoodka oo halkaasi ka dilaacay

Taliyaha ciidamada Asluubta sareeto Guuto Maxamed Cismaan Xudhuudh oo da daal xoogan u galay sidii uu xanuunkaas u xakameyn lahaa isla markaana maalin iyo habeenba dhex taagan jeelka weyn ee magaalada Burco ayaa sheegay in dhimashadu ilaa hada ay mareyso 6 maxbuus

 

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Dhakhaatiir si fiican u toobabaran uu Hargeysa ka keenay isla markaana ay  ku guuleysteen  in ay xakameyaan  fiditaankii xanuunka oo 52 maxbuus oo dhakhtarka yaalay ay badankoodii bogsadeen hada oo ay ka baxeen isla markaana ay ku hadheen oo kaliya 12 Maxbuus

Dhinca  Taliye Xudhuun ayaa waxaa uu wasaarada Maaliyada ka codsadey in loo sii daayo lacag loogu dhisaayey xabsi weyn oo Burco laga dhisaayey kaas oo hada qabyoobey , isla markaana waxaa uu sheegay in xabigan weyn ee hada ay isticmaalan uu aad cidhiidhi ugu yahay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News