Saxilnews.com
Daawo:-Taliska Guud Ee Ciidamada Booliska Somaliland Oo Soo Saarey Digniino Cusub Iyo Cida Ay U Direen
June 3, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland iyo hogaanka hawl galinta eeciidamada Booliska Somaliland oo saxaafada kula Hadley xarunta taliska guud ee ciidamadaasi ayaa waxaa ay shaaciyeen in ciidamada Boolisku ay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiigle dhawaan magaalada Burco ku dilay Maruum Mursal Cabdilaahi Geele

 

Sidoo kale Saraakiishan ciidamada Boolisku waxaa ay digniin u direen booyadaha iyo gaadhi dameerada ka dhaamiyada dooxa Hargeysa isla markaana waxaa ay sheegen in aan la ogleen arintaasi , cidii amarkaasi qaadan weyda ee lagu qabtana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News