Saxilnews.com
Daawo:-Sheekh Aadan Siiro Oo Si Adag Uga Hadley Dhalinyaro Dhawaan Bandhig Dhareed Hargeysa Ku Qabtey Kuna Baaqay In Dhaqanka Noocaas Ah Lala Dagaalamo
March 31, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Amhiyadda ay leedahay in ILAAHAY loogu Mahad-naqo Nimcooyinkiiisa uu inna siiyey, maaddaama oo ILAAHAY (SW) uu inoo sheegay in Addoomada ugu Mahad-naqa Nimcooyinkiisa uu u kordhinayo.

Aadan-siiro-1

Sheekhu waxa uu sheegay in markii ILAAHAY Raxmaadkiisa inoo shubay loogu mahad-naqay in Caasimadda Hargeysa lagu qabto Bandhig-dhareed uu sheegay inuu yahay Dhaqan Xun oo meel kale looga soo waariday Shacabka Muslimka ah ee Reer Somaliland, waxaanu ku taliyey in lala dagaalamo arrimahaa oo noocaas oo kale ah.

COMMENTS
Latest News