Saxilnews.com
[Daawo:- Shalay Iyo Maanta Muuse Biixi Keebuu Saxan Yahay Markuu Ka Hadlaayo Arimaha Doorashoyinka Iyo Go,aanka Maxkamada Sare
January 17, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi waxaa uusanadkii hore xisbigiisu iyo isaguba ay u shacabo tumayeen in la kala qaado doorashada madaxtooyada iyo wakiilada oo ay maxkamada sare xukuntey in hal mar la wada qabto .

Muddane Muuse Biixi waxaa uu wakhtigaas sheegay in uu madaxweyne Siilanyo xisbigiisu uu ku hanbalyeynaayo in uu kala qaado labadaasi doorasho oo ay golaha wakiiladuna cod aqlabiyad ha ku ogaladeen .

 

Maanta Muuse Biixi waxuu yahay masuul diidan in doorashada dib loo dhigo isaga oo sabab uga dhigaya in xukun maxkamadeed lagu gafaayo

Akhriste :- marka la kala qaadey labadii doorasho ee madaxtooyada iyo Wakiilada oo maxkamadu amartey in isku hal mar la qabto taasiba miyaanay aheyn tan maanta taagan oo kale oo labadaasi loo kala qaadey daruufo jira awgeed .

Maanta se sharciga shalay taa ogolaadey maxuu u diidan yahay in doorashada dib loo dhigo abaaraha dalka ka jira awgeed

Halkan Hoose Ka Daawo Arigtida Muuse Biixi Ee Shalay Iyo Maanta

COMMENTS
Latest News