Saxilnews.com
  Daawo Sawirada:-Roobkii Saaka Hargeysa Ka Da’ay Oo Sababay In Xadhkaha laydhka Ee Isku Maran Ay  Olol Iyo Shoodh Sameeyaan+Xukuumadda Iyo Maamulka Dawlada Hoose Oo Ku Fashilmay Inay Wax ka Qabtaan
March 28, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa(Ramaas)March.28,2017-Iyada oo saaka uu magaalada Hargeysa iyo hareeraheeda uu ka da’ay roob wayn oo maasheeyey dhulka kuna qabowsadeen dadku ayaa waxa roobkaas oo watay calaydh uu sababay in xadhkaha isku maran ee dul mara suuqyada magaalada Hargeysa ay sameeyaan olol iyo soodh khatar galiyey bulshada caasimada Hargeysa.

Waxaana bulshadii saaka usoo baxday suuqa markii uu raxmaadka eebe qaaday ay hal mar uun arkeen soodh iyo dhimbiilo dab ah oo ka baxaya xadhko isku maran oo dul mara suuqa wayn ee magaalada Hargeysa,waxaana hal mar uun istaagay isku socodkii gaadiidka iyo dadka iyaga xadhkahaasina ay khatar galiyeen bulshadaasi.

Waxaana ololka  ka baxay xadhkahaa isku maran markiiba goobta soo gaadhay ciidamada Dab-damiska ee caasimada Hargeysa kuwaas oo bakhtiiyey soodhkii ka baxayey xadhkahaasi isku maran.

Sidoo kalena xadhkahan isku maran ayaa xilliyada roobabku curtaan waxa ay sababaan dhibaatooyin naf iyo maalba leh,waxaana inay wax ka qabato xadhkahaasi ku guul daraystay xukuumadda Somaliland iyo maamulka dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa kuwaas oo tahli kari waayey inay shirkadaha laydhadhka iyo telefoonada ku amraan inay xadhkahooda dhulka hoostiisa mariyaan.

Sawiradan halka hoose idinka muuqdaa waa suuq waynaha magaalada Hargeysa,waxaana xadhkaha dul mara suuqa ay sababeen soodh khatar galiyey nafaha dadka,waxaana goobaha qaar ay sanadkii hore markii raxmaadka eebe curttay ay xadhkahaasi sababeen  dhimashada dad kuwaas oo  uu laydku ku dhagay.

5 4 3 2 1 

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News