Saxilnews.com
Daawo Sawirada -: Qaraxii Maanta Gilgilay Magaalada Moqdisho Iyo Faahfaahin Ka Soo Baxdey
January 2, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

 

Moqdisho (Saxilnews):- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxa qaraxyada, waxaana ay kadhaceen meel ku dhow albaabka Madiino Gate ee laga galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

No automatic alt text available.

Bartilmaameydka qaraxa ayaa lagu sheegayaa inuu ahaa hotel Peace oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha, waxaana hotelka sanadkii hore lagu qabtay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD.

 

Waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay weerarka qaraxa, laakiin waxaa soo baxaya inuu jiro burbur hantiyadeed oo aad u badan.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyeed ayaa sheegaya in waxyeelada ugu badan ay soo gaaray ciidamadda ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

Image may contain: cloud, sky, mountain and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, sky, mountain, outdoor and nature

Image may contain: sky and outdoor

 

COMMENTS
Latest News