Saxilnews.com
Daawo Sawirada :- Golihii Wasiirada Ee Dalka Somaliya Oo Maanta Lagu Dhaariyey Baarlamaanka Hortiisa.
March 29, 2017 - Written by suxufi

Moqdisho (SaxilNews):- Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaweyd lagudhaariyay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kadib markii ay si buuxda u heleen codka kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Image may contain: 2 people

Wasiirada helay Codka Kalsoonida waxaa dhaariyay Gudoomiyaha Maxakmada sare ee dalka Abuukaate Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa ayna wasiirada ku dhaarteen in dalkooda dadkooda iyo diintooda ay si daacad ah wax ugu qaban doonaan.

 

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo golihiisa Wasiirada ee helay codka kalsoonida Baarlamaanka ayaa la filayaa in dhawaan la yimaadaan waxqabad muuqda, waxaana Wasiiradan soo dhaweyay kuna farxay shacabka Soomaaliyeed in ay heleen Codka kalsoonida.

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Image may contain: 3 people, people standing, suit and indoor

Image may contain: 7 people, people standing and suit

Image may contain: 2 people

COMMENTS
Latest News