Saxilnews.com
DAAWO SAWIRADA DALKA GIRIIGA OO XUKUNO KU RIDAY SARAAKIISHII SAMAYSAY INQILAABKA TURKIGA EE BAXSADKA KU GALAY DALKAASI.
July 22, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Maxkamad kutaala Magaalada Alexandroupolis ee dalka Gariiga, ayaa xukun ku riday 8-sargaal oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen Afgembigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Saraakiishan ayaa diyaarad Helicopter ah ku galay dalka Gariiga kadib markii uu fashilmay Afgembigii ay ku lugta lahaayeen, waxaana saraakiishan xiray ciidamada amaanka dalka Gariiga oo ugu dambeyn maxkamad soo taagay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta , ayaa Saraakiisha kusoo oogtay dacwad la xariirta in ay si sharci daro ah kusoo galay dalka Gariiga ,waxaana maxkamada kiiska saraakiishan qaadeysay ku xukuntay min 2-bilood oo xabsi ah.

Dowlada Gariiga ayaa sheegtay in dib u eegis lagu sameenayo kiiska iyo codsiga ragan kasoo baxsday Dalka Turkiga, waxaana Gariiga sidoo kale cadaadis kala kulmayaan dalka Turkiga oo ka codsaday in ay usoo gacan galiyaan saraakiishaas.





COMMENTS
Latest News