Saxilnews.com
Daawo:-Sarkaal Sare Oo ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Fariin U Direy Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Kana Hadlay Xaaladda Caafimaad Ee Madaxwayne Siilaanyo
March 2, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa(Saxilnews)-Cabdirashiid Jaamac Yuusuf oo kamid ah saraakiisha xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay muddo kordhinta la filayo in ay golaha guurtidu u sameeyaan madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa,waxaana uu gudoomiyaha golaha guurtida iyo xildhibaanadaba ugu baaqay inay ay ixtiraamaan go’aanka ay isla qaateen madaxwayne Siilaanyo,saddexda xisbi qaran iyo guddiga komishanku ee looso gudbiyey,isaga oo carabkana ku dhuftay in hadii golaha guurtidu ay kordhityaan muddo ka badan wakhtiga ay la qaateen saddexda dhinac ay dalka galin karto khal-khal siyaasadeed.

Sidoo kale Cabdirashiid waxa uu ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxwayne Siilaanyo oo ku sugan dalka Ingiriiska.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

COMMENTS
Latest News