Saxilnews.com
Daawo: Rasmi: Barcelona Bar-Baraysay Rikoor 2017 U Yaalah Real Madrid & Lionel Messi Oo Mid Kale Ku Garaacay Cristiano Ronaldo
December 23, 2017 - Written by editor

 

Xilli uu sanadka 2017 sii dhamaanaya xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka horeeya xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo marka laga hadlayo goolasha ay labada xiddig dhaliyeen sanadka 2017.

Xiddiga reer Argentin ayaa qaab fiican soo bandhigay kulankii ka dhacay Estadio Santiago Bernabeu isaga oo hal gool dhaliyay sidoo kale caawiye ka noqday gool kale 3-dii gool ee ay dhalisay kooxdiisu isaga oo ka caawiyay kooxdiisa in ay 14 dhibcood ka horayso kooxda ay Xafiiltamaan ee Real Madrid.

Lionel Messi ayaa sanadka 2017 ku dhamaysanaya 54 gool oo tartamada oo dhan ah isaga oo waliba ah xiddiga kaliya ee sidaas sameeyay sanadka 2017.

Messi ayaa rikoorkan ku garaacay xiddiga Cristiano Ronaldo, Robert Lewandowski Iyo Edinson Cavani xilli uu xiddigu sidoo kale sanadka ku dhamaystay isaga oo ku guulaystay Abaalmarinaha kabta dahabka ah iyo waliba Pichichi oo la siiyo xiddiga ugu goolasha badan horyaalka La Liga.

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa bar-baraysay rikoorka guulaha ee kooxda Real Madrid ee sanadka 2017 iyada oo gaartay guusheedii 44-aad iyada oo la bar-baro ah Real dhanka guulaha sanadka 2017.

COMMENTS
Latest News