Saxilnews.com
Daawo:- Nin Todobaad La Raadinayay Oo Ay Jabiso Liqday
March 29, 2017 - Written by suxufi

Maydka nin u dhashay dalka Indonesia oo la waayay ayaa laga helay caloosha jebiso laqday, sida uu sheegay booliska. Akbar oo ku noolaa jasiiradda Sulawesi, ayaa la waayay Axaddii.

Mas’uul ka tirsan booliska Indoneisa ayaa BBC-da u sheegay in intii lagu guda jiray baadigoobka ninkan 25 sano jirka ahaa, la arkay jebiso wayn oo ay tuhmeen inay liqday ninka.

Jebisada oo dhirirkeedu uu gaaryay 7 mitir ayaa caloosheeda la dilaaciyay, waxaana halkaa laga soo saaray meydka ninkaasi.

waa naadir in jebiso ay disho islamarkaana cunto bani’aadamka.

Dadka deegaanka ayaa booliska u sheegay in Akbar uu maqnaa muddo 24 saacadood ah.

” Waa la raadiyay balse waa la waayay Akbar. Dadka deegaanka ayaa arkay jebiso aan dhaqaaqeyn oo god ku jirto. Waxayna tuhmeen inay laqday ninka la raadinayo, ayuu yiri Mashura oo ka tirsan booliska”

COMMENTS
Latest News