Saxilnews.com
Daawo:-Murrashax Cirro Oo Magacaabay Xilalka Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Xisbiga WADDANI Iyo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-Jeex Ee Xisbigaas
June 10, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi
Hargeysa(Saxilnews)-Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku magacaabay xilal ka banaana xisbiga oo mas’uuliyiintii xilalkaasi hayey ay golaha dhexe ee xisbigy ay ka qaadeen,waxaana murashax Cirro uu magacaabay gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga WADDANI iyo gudoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi-jeex.

Gudoomiye Cirro ayaa gudoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga WADDANI u magacaabay Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac halka uu gudoomiyaha xisbiga ee gobolka Maroodi-jeexna u magacaabay Xuseen Aadan Cadde oo isagu hore u ahaa gudoomiyihii xisbiga WADDANI ee dalka Ingiriiska.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

https://www.youtube.com/watch?v=ZUGKEtsqoBc

COMMENTS
Latest News