Saxilnews.com
Daawo:-Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ganafka Ku Dhuftey Saldhiga Military Oo Imaaradku Berbera Ka Sameysyo
January 17, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed YuusufYasiin ayaa waxaa uu ganafka ku dhuftey isla markaana uu si xoogan uga hor yimid saldhig military oo dawlada imaaradku ka sameysato magaalada Berbera .

” Saldhiga Military waxaa uu qabtaa oo looga baahan yahay waxaa kow ah waa goob laga duulo , waa meel lagu kediyo hubka ay heysato dawladaasi , waa meel hubka lagu tijaabin karo , waana meel laga fulinkaro hawlo ciidan ” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yasiin

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxa uu qodob qodob u taxay dhibaatooyinka ay Somaliland ka dhaxli karto hadii ay ogolaato in imaaraadku saldhig Military ka sameysto Somaliland .

 ” Dhibaatooyinka ka iman kara saldhiga waxaa ka mid ah kow deeganka laga sameeye waxbuu yeeli karaa , sidoo kale waxaa lagu sameyn karaa meeshaas in qashinka hubkooda lagu aaso , waxey keeni kartaa dhaqan xumo , saldhiga meeshaas laga bixiyey sharciyan madaxweynuhu ma gali karo , dhinaca kalana sharciga dalkaagu ciidanka halkaas yimidma qaban karo ” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenkii hore

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News