Saxilnews.com
Daawo:-Madaxwayne Siilaanyo Oo Soo Muuqday Isaga Oo Bed-Qaba Xili La Soo Wariyey In Xaaladiisa Caafimaad Ay Halis Ku Jirto.
March 2, 2017 - Written by suxufi

London(Saxilnews):-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay soo baxayeen warar kala duwan oo tibaaxaya in xaaladiisa Caafimaad ay aad u liidato isla markaana la filaayo in qaliin lagaga sameeyo madaxa ayaa tan iyo intii ay wararkaasi soo baxeen waxa markii ugu horeysay lagu dhex arkay isaga oo ka dukaamaysanaya Meherado ay leeyihiin dad reer Somaliland oo ku yaala Badhtamaha Magaalada Laondon halkaasi oo uu mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa.

Madaxwaynaha ayaa ujeedada socdaalkiisa uu ahaa dhoolatus iyo sidii meesh uu uga saari lahaa wararka dacaayadaha ah ee la isla dhex maraayay oo sheegayay in ay aad u liidato Xaaladiisa Caafimaad,waxaanay fariin u tahay socdaalka iyo tamashlaynta Madaxwayne Siilaanyo ee badhtamaha Magaalada London dadkii soo wariyey wararka sheegaya in uu aad u liito.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

COMMENTS
Latest News