Saxilnews.com
Daawo:-Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ansixiyey Xeer Quseeya Doorashooyinka Dalka
January 3, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews):- Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ay saakafadhigoodii ay yeesheen ku ansixiyeen kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyey xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deeganka .

Fadhigan saaka oo uu shir gudoominaayey gudoomiye ku xigeenka golahaasi isla markaana ay ka soo xaadireen 42 xildhibaan ayaa  waxaa  ugu horeen mudanyaashu  war bixin ka dhegaysteen gudi hoosaadka arimaha gudaha ee golahaasi oo iyagu muddoyinkii ugu danbeeyey ku mashquulsanaa kal hufida xeerkan

 

Gudoomiye ku xigeenka golahaasi oo isagu shir guddoominaayey golaha saaka ayaa markii ay guddida arimaha guduhu dhameysay war bixintooda waxaa uu cod galiyey in loo codeeyo soo jeedinta iyo wax ka bedelka ay ku sameyeen xeerkan waxaana ogalaadey 38 xildhibaan  2 xildhibaan wey diidan 1 muddane na waa uu ka aamusay waxaana sidaasi ku ansaxey wax ka bedel lagu sameeyey xeerka doorashoyinka madaxtooyada iyo golaha deeganka

 Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News