Saxilnews.com
Daawo:- Gaadiid Tiro Badan Oo Ku Xaniban Duleedka Magaalada Garoowe Iyo Ciidamo Kale Oo Qabsaday Xaruntii Dawlada Hoose Ee Gaalkacayo
March 9, 2017 - Written by suxufi

Garoowe (Saxilnews) Gaadiidkii ugu badnaa ayaa maanta ku xaniban labada Kaantarool ee magaalada Garoowe, kuwaasi oo ay la wareegeen ciidamo gadoodsan oo ka cabanaya mushahar la’aan kuwaasi oo diiday in gaadhi uu soo galo gudaha magaalada amase ka baxo.

Gaadiidkan ayaa isaga gudbi jiray gobolada kala duwan ee Soomaaliya waxayna isugu jiraan gaadiid ay saaran yihiin khudaar, kuwo sida shacab, iyo waliba dad xanuusanaya oo bukaano ah.

Midka ka mida dirawaliinta oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Ciidanku waxaa ay ii sheegeen inaan dib uga noqdo magaalada oo aanan galin, anigu qof shacab ah ayaan ahey waxaanan aqbaley amarka ma garanayo sababta ay noo xanibeen”

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News