Saxilnews.com
Daawo:-Faysal Cali Waraabe Oo Galabta Hadley , Hanjbaad Iyo Eedeymo -na Isku Bariyey Muuse Biixi , Jamaal Cali Xussen Iyo Cali Guray
January 22, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha xisbiga mucaridka ah ee UCID Eng Fasyal Cali Waraabeoo galabta wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Telefishanka Somali Cable waxaa uu ugu horeyn eedeymo u jeediyey siyaasiyiinta Cali Guray iyo Jamaal Cali Xussen .

Waxaa uu ku sifeeyey Cali Guray siyaasi aan sameyn laheyn isla markaana iska qeylo badan uun , sidoo kale waxaa uu Jamaal Cali Xussen ku mid awoodi kari waayey in uu xafiis xisbiga UCID uga furo magaalada Gabilay , waxaaana uu hoosta ka xariiqay in aanay sameyn xisbigooda ku yeelan doonin ka tagitaankoodu

 

Dhinca Kale Faysal Cali Waraabe waxaa uu hadlo hanjabaad u muuqda hawda u mariyey Gudoomiyaha Kulmiye Muj Muuse Biixi isaga oo ugu hanjabey hadii uu aqbali waayo in 6 bilood la kordhiyo in guurtida ay u gudbin doonan muddo kordhin ka badan , Marka la sameeyo mudo kordhintaasna ay sameyn doonan dawlada midnimo qaran ah

COMMENTS
Latest News