Saxilnews.com
Daawo:-” Dekada Berbera Kaliyaata Ma Isticmaali Doono Ee Waanu ….” Dawlada Itoobiya Oo War Cusub Ka Soo Saartey Saamiga Laga Siiyey Dekada Magaalada Berbera
June 16, 2017 - Written by suxufi


Hargeysa (Saxilnews):- Wasiirka Gadiidka ee dawlada Federaalka ah ee Itoobiya ayaa isagu oo ku sugandalka Jabuuti isla markaana ka qeyb galaayey munaasibad loo sameeyey dekada Cusub oo dalka Jabuuti sameystay waxaa uu ka Hadley saamiga laga siiyey dawladiisa Dekada Berbera

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in dekada Berbera ay noqon doonan cid ugu badan ee Isticmaali doonta isla markaana waxaa uu hoosta ka xariiqay in kaliyaata aaney isticmaali doonin ee ay maalgaashi ku sameysan doonan

” Dekada Berbera Arintanka Saamiga laga siiyey Itoobiya ku saabsan wali wada hadaladii ayaa socda , in aanu maal gashano dekada Berbera- na mawqif ahaan waanu taagersanahay , markaas maalgalinta dekada Berbera waanu dhiiri galineynaa ee ay wadaan DP World , Dawlada Somaliland iyo anaga oo qeyb ka aha .

Dekada Berbera anaka ayaa aad u adeegsan doona isla markaana adeeg oo kaliya dooni meyno ee in aanu maal gasho nana waanu dooneynaa ” ayuu yidhi wasiirku

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News