Saxilnews.com
Daawo:-Dawlada Ingiriiska Oo Ka Hadashey Saldhiga Military Ee Imaraadka Laga Siiyey Berbera Iyo Sababta Ay Iyadu Saldhig Uga Sameysan Weyday Somaliland
March 22, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (SaxilNews):- Danjiraha ku xigeenka dalka Ingiriiska u fadhiga magaalada Moqdisho ee caasimadadalka Somaliya ayaa waxaa uu ka hadley saldhiga dawlada imaaradka laga siiyey magaalada Berbera , iyo joojinta sanduuqii horumarinta Somaliland ee SDF

Danjiraha ayaa waxaa uu sheegay in arinta saldhiga Berbera ay tahay go,aan ay wada gaadheen Somaliland iyo imaaradku , isla markaana aanay aheyn mid uu faro galin ku sameyn karo ingiriisku .

 

Sidoo kale Safiirka ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in arintaasi ay waxii khasaare ama faa,ido ahi ay u taalo labada dhinac ee arintaasi wada go,aansadey

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News