Saxilnews.com
Daawo: Dad Helicopter looga soo badbaadiyey buur dusheeda
January 21, 2018 - Written by editor
Dad Helicopter lagu soo badbaadiyey

Laba qof oo ah dadka buraha fuula ayaa dayaarad lagu soo badbaadiyey, ka dib markii ay khatar ku galeen buur dusheed.

Labada qof ayaa habeenkii buurta ku baryey, ayagoon haysan meel ay ka galaan qabowga ka hooseeya darajada 0, ka dib markii ay ku xayirmeen meel dulka u jirta 3,000 oo cagood.

Baraf dabaylo wata oo halkaa ka dhacayey ayaa kooxdii gurmadka ka hor istaagay inay gaaraan, ka dib markii ay qaylo dhaan dirsadeen jimcihii.

Helicopter ayaa labada qof lagu soo badbaadiyeyLahaanshaha sawirkaROB GLENDINNING
Image captionHelicopter ayaa labada qof lagu soo badbaadiyey

Ugu dambayntii ayey Helicopter ay leeyihiin ilaalada xeebaha ee Britain halkaa xarig kaga soo jiidday subaxnimadii Sabtida.

Labada qof oo rag ah ayaa loo duuliyey Torlundy, Fort William, ka hor intii aan lagu wareejin gaadiidka gurmadka degdegga ee Scotland.

Hadal ay soo saareen ilaalada xeebaha ayey dadka kaga codsadeen inaysan naftooda khatar galin oo aysan isku biimayn buuraha.

“Xusuusnaadaa in aad diyaar u noqotaan in buuraha UK aan la dhayalsan karin bacdamaa aysan cidna cafin, xaataa kuwa ugu khibradda badan” ayaa lagu sii daray

COMMENTS
Latest News