Saxilnews.com
Daawo:– “Berberina Soomaaliya Kuma Taalo Ee Berberi Somaliland Ayay Ku Taala 2-Da Hishiis Ee Sldhiga Iyo Dekadana Anaa Saxeexay” Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland
May 27, 2017 - Written by suxufi

Washington (Saxilnews) Wasiirka arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararla been abuurka ah ee sheegaya in dawlada Soomaaliya ay saxeexday hishiiska dekada iyo kan madarka oo ay lug ku laheyd

Waxaanu wasiirku sheegay in labada hishiis ee  Dp.wold iyo Imaratkaba ee dekada iyo madaarkaba uu gacantiisa ku saxeexay oo aanay hishiiskaasi marnaba shaqo ku laheyn dawlada Soomaaliya

Dr. Sacad Cali Shire wasiirka arrimahada dibada Somaliland isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Labada hishiisba aniiga saxeexay waraaqdii aan saxeexayna laba meelood oo kaliya ayay laheyd ee meel saddexaad may laheyn, dhinaca Somaliland iyo dhinaca shirkada Dp.World, iyo dhinaca Somaliland iyo dhinaca Imaratka, cid nagu saddexeysay saxeexaasi ma jirto,  ishiiska aanu  galey anaga iyo Imaratku iyo Dp.World waxaanu ku galay hishiis labada darafa Berberina Soomaaliya kuma taalo ee Berberi Somaliland ayay ku taala”

“Bulshaweynta Somaliland sanadkii 1991-kii waxaa ay go’aansadeen in ay gooni isu taagaan iyaga oo eegaya dhibaatadii ka soo gaadhay sodonkii sanadood ee ay wada jireen”Ayuu yidhi Sacad Cali Shire Wasiirka arrimaha dibada Somaliland

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News