Saxilnews.com
DAAWO AYAAN DARIDA HAYSATA FANKA MAANTA IYO FANAANIINTA QAARKOOD+ NIMCAAN HILAAC
July 21, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeisa(SaxilNews) Fanaanka Nimcaan Hilaac Oo Ah Fanaan Deegaan Ahaan Iyo Dhalasho Ahaan  Kasoo Jeeda Somaliland Kana Tirsan Kooxda Xidigaha Geeska Ee Kadhisan Caasimada Somaliland Ee Hargeisa Oo Waqtiyadii Udanbaysay Kusugnaa Caasimada Nairobi Ee Dalka Kenya Ayaa Dhawaan Waxa Uu Soo Saaray Hees Lamagac Baxday  lAMAANSHO Taasoo Lidi Ku Ah jiritaankiisa Cadaynaysana Cadaawada Uu Uqabo Qaranka Somaliland Iyo Dadkiisa Uu Magac Kudhex Yeeshay Ee Soo Saaray Fankiisa Oo Uu Ku Tilmaamay magaalooyin Dalka Somaliland Kuyaala Dalshisheeye 

Heestan Oo Uu Kuqaaday Magaalada NAIROBI Ayaa Ah Hees Ay Ka Muuqato Cadaawad Iyo Xumaan Taasoo Loogu Soo Dhuumanaayo Jacayl Balse Aragtideedu Ay Sidaa Kafogtahay 

Heesta Erayadeeda Waxa Kamid Ah Oo Ay Dadka Suugaan Dhaadhiga Ahi Iftiimiyeen micnaha looga jeedo Micnaheeda Erayada Hoos Ku Qoran :-

“Hadaad Labi Sagaaliyo Dhulshisheya Aad Laaska Kuxidhnaato Inaad Igu Lamaantahayoo Laabta Ku Dhex Nooshahay “

Hadaba Fanaankan Nimcaan Hilaac Oo Hilmaamay Dalkiisii Hooyo Iyo Dadkii Magaca Uyeelay Isla Mar Ahaantaasina Marna Soo Xidha Dirays Uu Ku Xardhanyahay Calanka Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Somalia Oo Lidku Ah Jiritaanka Qaranka Somaliland Ayaa Dadwaynaha Reer Somaliland Ay Iswaydiinayan Waxa Ku Beeraya Cadaawada Iyo Dal Nacaybka Uu Uqabo Dalkiisii Hooyo 

Nimcaan Hilaac Ayaa Hilmaansan  In Dalka Somaliland Iyo Dadkiisu Aanay Kala Hadhin Cidii Kasoo Hor Jeeda Dalkoodana Aanay Wanaag U Hayn 

KooxdaXidigaha Geesku Maxay Kala Socdaan Fanaankan Dhaqdhaqaqiisa Faneed Iyaga Oo La Ogsoonyahay Halka Ay Ka Taaganyihiin Wadankooda Iyo Qaranka Somaliland 

Waxaana La Gudboon Kooxda Xidigaha Geeska Inay Talaabo Ka Qaadaan Fanaankan Caadaystay Ka Xanaajinta Shacabka Reer Somaliland Waafa Jiyaana Xeer Hooskooda Maadama Ay Hore Usheegeen Fanaaniin Uu Ka Mid Yahay Maxamed Bk Inay Mariyeen Kuna Qaadeen Xeer Hoosaadkooda Kooxda 

Akhriste Waatan Heestiye DAAWO Wanaagsan 

 

COMMENTS
Latest News