Saxilnews.com
Daao:-Sheekhii Dadka Ku Dabiibaayey Duleedka Hargeysa Oo Iska Difaacay Eedo Loo Jeediyey “Anigu Qawlka Allaah Baan Dadka Ku Dabiibaa Ee Ma Ahi Sixiroole … “
May 30, 2017 - Written by suxufi

 

Baligubadle (Sxilnews):- Sheekhii dadka ay jinku ku jiro ku dabaabi jiray duleedka Hargeysa islamarkaa iminka u guuray magaalada Baligubadle oo halkaas uu a furtey xarun weyn oo dadka uu jinka , sixirka iyo isha uu kaga saaro ayaa warbaahinta la Hadley

 

Sheekh Cabdi Xaq ayaa waxa uu iska difaacey eedo ay qaar ka mid ah culimada dalku ay u jeediyeen isla markaana waxaa uu sheegay in uu isagu dadka ku dabiibaayo Qawlka ama hadalka alleh isla markaana aanu aheyn qof sixiroole ah

” Anigu Ma Ahi Sixiroole ama qof shaydaan la shaqeysto waxaan ahay qof jecel in uu anfaco dadka Muslimiinta ah , waxaan akhriyana waa waxa aad maqasheen , mana ahi qof fooxiye ama faaliye is qarinaaya , sameecado wa weyn baan ku xidhay goobta waxa ka soo baxayana waa kalaamkii Alleh SWT  , halkan  ma ahi qof meel fog ka  imid ee 70 % reer Somaliland baan ahay naas baan nuugay , caruurteyduna waa reer Somaliland ,  markaas meesha iskamaan imanin ee dhiig iyo hilib ayaa i keenay ” ayuu yidhi Sheekh Cabdi Xaq

Sidoo kale sheekha ayaa sheegay in uu waligii magaalada Baligubadle uu joogi doono ilaa inta uu ka dhimanaayo

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News