Saxilnews.com
Cuntooyin Laga Mamnuucay Dunida Oo Somaliland Loo Iib Keeno , Noocyada Ay Kala Yahiin Iyo Mooganaanta Xukuumada .
April 19, 2017 - Written by suxufi

 

Hargeysa (Saxilnews)):- Khudaarta waddanka Masar iyo hilibka Dalka Brazil oo ay dalal badan oo dunidaahi Mamnuuceen ayaa suuq cusub ka helay suuqyada Somaliland , gaar ahaan kuwa caasimada Hargeysa .

 

Dalal badan oo dunida ah ayna ka mid yahiin Mareykanka iyo Suudan ayaa mamnuucey khudaarta dalka Masar Gaar ahaan Liin Macaanta oo markii baadhis lagu sameeyey ay dalalkani ogaadeen halis Caafimaad , marka dib loogu noqdo qaabka loo beero.

 

Waxaana ay dalalkani ku doodeen in liin Macaanta dalka Masar lagu waraaiyo biyo wasakh ah .

Dalka Suudan oo lagu tiriyo dalalka dhinaca caafimaadka ugu horumarsan qaarada Africa ayaa bishii March ee sanadkan waxaa uu qabtey liin tiro badan oo dalka Masar laga soo raray isla markaana si kootarabaan ah lagu galinaayey Suudan , waxayna bur buriyeen liintaas si caafimadka dadka ku nool dalkaas aanay waxba u yelen .

Sidoo kale dalalka qaarada Yurub ayaa waxaa ay mamnuuceen khutaarta dalka Masar gaar ahaan liinta oo ay caafimaad daro ku tuhmeen .

Geesta kale dawladaha Midowga Yurub , Shiinaha , Kuuriyada Koonfureed , Chile , Imaaradka iyo waddamo kale ayaa ku dhawaaqey in ay iska joojiyeen hilib digaaga ee laga keeno suuqyada dalka Brazil , kadib markii ay soo baxeen fadeexado ku saabsan tayada iyo fayodhawrka caafimaad ee hilibkaasi

Dhinca kale wasarada caafimadka Somaliland , Ganacsiga iyo Haaya’ada Dhawrista tayada Somaliland ayaa ilaa hada aan ka hadal khutaartan iyo hilibkan ay dalal badan oo caalamka ahi dalkooda ka mamnuuceen isla markaana wakhti xaadirkan loo iib keeno suuqyada Somaliland

 

COMMENTS
Latest News