Saxilnews.com
COLAADA LABA BEELOOD KU DHEXMARAYSA KOONFURTA SOOL OO MEEL HALIS AH MARAYSA IYO TUULADA GUMBURTA OO GABI AHAANBA LA GUBAY + SAWIRRO
December 30, 2017 - Written by editor

Gumburta:-(saxilnews.com) Tuulada Gumburka oo ah goobtii ay isku fara saareen maleeshiyaad ka kala soo jeeda beelo Majeerteen & Dhulbahante ee ee halkaa wada daga ayaa lagu soo waramayaa in la gubay guryihii ku yiilay. Warbaahinada Qaarkeed ayaa baahiyay sawiro muujinaya bur bur xoogan oo ka dhashay dabka loo qabad siiyay tuulada Gumburka oo aheyd halkii dirirtu ay ku dhax martay maleshiyaad halka kaso wada jeeda. Dadkii degaanka ku ahaa Tuuladaas ayaa isaga cararay markii mid kamid ah labada maleyshiyo uu gubay tuuladaas.

Dadkii daganaa Tuulada Gumburka ee Gobolka Sool ayaa ka barakacay dagaalo u dheexeyey Maleeshiyaad gacan saar leh Soomaaliland iyo Puntland oo maalmo badan ku dagaalamay tuuladaas. Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Jimco ah tagaya degaanadii dirirtu ka dhacday, isagoo iskudayaya inuu colaada joojiyo, wada hadalna lagu dhameeyo.

COMMENTS
Latest News