Saxilnews.com
Ciyaaryahan Katirsan Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Oo Jabuuti Uga Qaybgalay Tartan Ka Dhacaya Polland
July 25, 2016 - Written by admin

Hargaysa(Saxilnews.com)-Jamaal Cabdi Diriye oo lagu naanayso ‘Daallo’ waxa uu ka mid ahaa dhalinyarada magaalada Hargeysa waxaanu caan ku ahaa kubadda cagta oo aad looga yaqaanay guud ahaan Gobolka Maroodi-jeex iyo guud ahaan garoomada kubada cagta isagoo u ciyaari jiray Kooxdii Dahabshiil. Jamaal waxa uu ahaa nin han sare leh waxa uu tiro ba dhawr jeer ka qeyb galay tartano Orod oo ka dhacey Somaliland gaar ahaan magaaladiisa Hargeysa isagoo kaalmaha hore ka gali jirey markasta [inta badan wuxuu u ordi jiray gobolka Maroodi-jeex]. Laakiin may noqon qaar si fiican loogu sharfo shaqadaas adag ee uu hayay waxaana dhici jirtey in tiroba dhawr jeer tartano uu ka qeyb galay lagu abaal marin waayo sababo aan la caddeyn awgeed taas ayaa sababtey in dawlada Jabuuti ay ka faa’iideysato Orodyahankan da’da yar.

Dhiiri-gallintii iyo taakuleyntii uu ka helay dawladda jabuutina waakaas maanta soo gudey ee Kaalinta labaad ka galay tartan Heer caalami ah oo ka dhacay dalka Poland isagoo matalaya dalka iyo dowladda jabuuti.

Arrintani waxay fadeexad wayn ku noqon kartaa dowladda Somaliland – gaar ahaan wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo iyadu si wayn u dayacday dhallintii dalkeeda gaar ahaan ciyaartoyda.

COMMENTS
Latest News