Saxilnews.com
Ciyaartoy Caan Ah Oo Lagu Darey Liiska Dadka Argagixisada Ah Iyo Ciyaaryahanka Uu Yahay .
January 18, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Masar (Saxilnews):- Dowlada Masar ayaa liiska waxa loogu yeedhi liiska dadka

Argagaxisada waxa ay ku dartay Ciyaaryahankii hore ee Kooxda Al Ahli iyo xulka Qaranka Masar Maxamed Abuu Tariika, oo lagu eedeeyay in uu taageeray Kooxda Ikhwaanul Muslimiin.

Image may contain: 1 person, smiling

 

War kasoo baxay Dowlada Masar ayaa lagu sheegay in Maxamed Abuu Tariika uu maal galiyay kooxda laga mamnuucay dalka Masar ee Ikhwaanul Muslimiin, waxa ayna Dowlada sheegtay in Ciyaarayhankan hore lagu daray liiska Argagaxisada.

Ciyaaryahan Abuu Taariika ayaa dambiya dowlada Masar ku heesato waxaa kamid ah in sanadii 2012-kii uu taageeray Madaxweynihii sharciga lagu doortay ee Maxamed Morsi iyo Ururka Ikhwaanul Muslimiin , waxaana Dowlada masar dadka ay ku hesho in Ikhwaanka taageeraan kusoo oogtaa dambiyo iyadoon kala noqota baasaboorka kuna soo oogta dacwado.

Qareenka u doodaya Ciyaarayhankii hore xulka Qaranka Masar Abuu Taariika Maxamed Cismaan ayaa sheegay in go’aanka liiska Argagaxisada loogu daray Ninka uu wakiilka ka yahay ay tahay mid sharciga hareer marsan

COMMENTS
Latest News