Saxilnews.com
Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur Oo Ah Saraakiilkii Dhawaan Sida Sharcidarada Ugu Wareegay Kastamka Berbera Oo Muran Maamul Ka Dhex Abuuray Masuuliyiinta Kastamka Berbera Iyo Maamule Kuxigeenkii Labaad Ee Kastam Oo Shaqo Joojin Sameeyay
April 9, 2015 - Written by admin
Berbera (Saxil News.com)-Waxa muran iyo ismaan dhaaf maamul ka dhex qarxay Masuuliyiinta Kastamka Berbera kadib markii Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur oo ah sarkaalkii dhawaan sida sharcidarada ah uga wareegay Wakaalada Dekeda Berbera ee ku wareegay Wasaarada Maaliyada gaar ahaan Kastamka Berbera uu mar labaad ka dhex dhaliyay muranka maamul Masuuliyiinta ugu sareysa Kastamka Berbera isaga oo kaashanaya awood qabiiliya oo uu ka haysto Xukumada sare ee Madaxweyne Siilanyo oo uu hayb ahaan kasoo jeedo. Murankan maamul ayaa dhexmaray Maamule kuxigeenka sadexaad Ee Kastamka Berbera oo lagu magacaabo Saleebaan Maxamed Faarax(Saleeeban Goox)oo ah khabiir dhinaca wasaarada Maaliyada ah gaar ahaan cashuuraha iyo qiimaha badeecadaha lagu qaado mudo dheerna ka soo shaqeynaayay Kastamada dalka Iyo Yarka qaabka Beelaysan ku macaashay ee lagu magacaabo Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur oo dhawaan soo qaatay waraaq lagaga shaqo galinayo Kastamka Berbera isaga oo ah saraalka sare oo ah Madaxa Barxad ee Kastamka Berbera, horena u ahaa Madaxii rarka Ee Dekeda Berbera balse isku bedel uu maareeye Eng, Cali Xoorxoor Sameeyay qawaday awood beelaysana kusoo qaatay Title sare oo kastamka ah. Haddaba muranka labada Masuul dhex maray ayaa ka dhashay kadib markii badeecad wiciyada(Weelka Cuntada)oo uu leeyahay ganacsade Axmed Xasan Seed(Laba Afle)oo shalay laga raray Dekeda oo sidii caadiga aheyd loo cashuuray oo soo martay maamule kuxigeenka Sadexaad Saleeban Maxamed Faarax(Saleebaan Goox)oo sida ay hore usoo sheegnayba ah Khabiir dhinaca cashuuraha ah uu Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur ku joojiyay badeecadaas awood uu ka haysto Xukumada Madaxweyne Siilanyo isaga oo iska indha tiriya jidka saxda ah ee lagu soo cashuuray badeecadan wiciyada ah ama weelka ah.waxaanay awoodaas beelaysan ee Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur uu isticmaalayaa keentay inay Maamulihii sadexaad ee kastamka Berbera Saleebaan Maxamed Faarax(Saleebaan Goox)uu shaqadii uu kastamka ka hayay joojiyo kadib markii Maamulaha guud ee kastamka Berbera Maxamed Cabdi Guraxan uu awoodi waayay inuu khaladka uu sameynayo Cilmi Cabdiraxmaan ka qabto maadama oo uu yahay Masuulkii usareeyay Wasaarada Maaliyada Gobolka Saaxil, Inkastoo badeecadaas saaka subaxnimadii la sii daayay iyada oo la baashirayo wiilkaas yar ee kibirka ku joojinaya badeecadaha cashuuran ayaan hadana ilaa hada khilaafka dhex maray Masuulka sadexaad ee kastamka Berbera iyo Cilmi cabdiraxmaan Cashuur oo ah madaxa barxada ee kastamka Berbera aan ilaa hada la xalilin.
Waxaanay warar xogogaala oo ay heshay Shabakada wararka ee Berberatoday.com sheegayaan in Maamule kuxigeenkii sadexaad ee kastamka Berbera Saleebaan Goox oo kasoo jeeda Gobolka Sool uu shaqadii joojiyay maalintii shal;ay galinkii danbe islamarkaana uu uboqoolay dhinaca magaalada Burco lagana yaabo inuu usii dhaafo Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanod sidaasna uu shaqada kaga tago maadama oo wiil yar oo qaab beelaysan shaqada shalay lagu keenay uu awoodii maamul ku takri falayo.

Sidoo kale Maamulihii kastamka Berbera Maxamed cabdi Gurxan ayaa isagana la sheegayaa oo isaga qudhiisu aan cago xoogan ku taagnayn oo la sheegayo in waraaqadiisa bedelku miiska saaran tahay uu dhinaca caasimaada Hargeysa iyo wasaaradii maaliyada ucararay isaga oo ka ashkatoonaya awooda maamul ee wiilkani Cilmi Cabdiraxmaan ku maroorsaday shaqadii maaliyada ee kastamka Berbera.

Warar kaloo ay shabakadani Berberatoday.com heshay ayaa sheegaya in dhawaan la filayo in Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur loo soo magacaabi doono Maamulaha kastamka Berbera iyada oo awooda beesha Madaxweyne Siilanyo la adeegsanayo ee dalkja ka talisa. arinkaas ayaan marnaba laga yaabin inuu hirgalo sababtoo ah waxa xaydaabka wasaarada maaliyada ee Hargeysa buux dhaafiyay Khabiiro dhinaca maamulka kastamada iyo maaliayada ah oo mudo dheer aan shaqo dhawkaw ka siinin laguna cadaadinayo qaabka beelaha ay kasoo jeedaan iyada oo aan la egeyn awoodooda shaqo iyo maamul.

Sikastaba ha ahaatee Facaa,ilka uu wiilka yar ee Cilmi Cabdiraxmaan adeegsanayo ayaa meel ka dhac ku hanaanka Maamulka dawladnimo ee Somaliland Iyo waxyaabihii uu qarankani kusoo caana maalay, waxaana muuqata in qaar kamida Wasiirada aan dhicin ee Xukumada Madaxweyne Siilanyo ay talooyinkan qaloocaa kasoo burqanayaan.
Mahamed Cabdilaahi (Soofadhiiste )
Berbera -Somaliland

COMMENTS
Latest News