Saxilnews.com
Ciidmada Booliska Ayaa Xabsiga Utaxaabay Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige Isagoo Shaqo Maalmeedkiisa Kujira
September 20, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Wariye C/raxmaan Maxamed Cige oo Tvga Somaalinews oo ah Wakiil Wareedka  gobolka Saaxil  ayaa xabsiga goordhawayd loo taxaabay ,Wariye C/raxmaan ayaa ku jiray hawlmaalmeedkiisa shaqo xiliga ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen isagoo xiligaas wax ka duubayey jimciyada Sooyaal Ee Berbera Oo Ka Hadlayey Arimo La Xidhiidha Haamaha Shidaalka Ee Berbera Taasi Ayaa Ka Cadhaysiisay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Ee Berbera Jaamac Jagaag Oo Hore Looga Bartay Hanjabaad Iyo Cago Juglaynta Saxaafada Xorta Ah Isagoo Sidoo Kalena Maleega Dacwado Qool Galinaya Wariyaasha Qaar Kood Iyo Kuwo Ay Gaar Isku Hayaan ,

Waxaana Si Toosa Loo Geeyey Wariyaha Xabsiga Dhexe Ee Berbera Iyadoo Aan Maxakmada La Marin Ilaa Hadana Aan  La Shaacin Danbiga Uu Galay Taasi Ayaa Si Cad Uga Hor Imanaysa Shuruucda Muwaadinka Iyo Dastuurka Qaranka Somaliland Ilaa Hadana Waa Dacadigii Ugu Xumaa Ee Lagula Kaco Mid Kamid Ah Wariyaasha Muwaadiniinta Ah Ee Ka Hawlgala Haayadaha Warbaahineed Ee Dalka

Xadhigan Tacadigaa Ayaa Ilaa Hada Laga War Sugayaa Awoodaha Iyo Qodobada Loo Cuskayada Maadama Ay Maxakamadaha Gobolka Saaxil Dhan Isaga Riixeen Kiiskan Oo Aan La Horkeenin Sida Ay Sheegeen ,

Cadaalada Daradan Cad Ee AyKu Kacayaan Maamulka Gobolka Saaxil Ee Uu Horseedka U yahay Gudoomiye Bidaar Ayaa Noqonaysa Samaysiga Nuqul Sharciga Baal Marsan Oo Jeedkooda Ah

Si Uu Sharcigu Dhigayo Waa Inuu Dabiiluhu Sadex Maalmood Uu Soo Maraan Saldhiga Dhexe Kadibna Loo Gudbiyaa Hadii Muadadaa Wax Laga Qaban Waayo Jeelka Wayn (Xabsiga Dhexe) Balse Tani Ayaa Noqonaysa Mid Ka Hor Imanaysa Bahda Sharciga Ee Xadhiga Qadarada Ah Kula Kacday Muwaadin C/raxmaan Cige .

Bahda Wariyaasha Gobolka Saaxil Oo Isku Duuban Ayaa Cabareyey Xadhigaasi Iyagoo Sidoo Kalena Soo Jeediyey Inuu Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Iyo Bahda Uu Ku Shaqaystaa Sharciga Bartaan Kuna Maamulaan Bulshada Ay Madaxda U Yihiin (Hunguri Muxuu Sharci Ka Yaqaan )

Dalada Saxaafada Somaliland Ee Solja Ayaa Cabarayey Xadhiga Wariyaha Iyagoo Maamulkana Ka Codsaday Inay Xoriyadiisa Usoo Celiyaan .

 

 

12036937_924388124307911_8184036643922444190_n

COMMENTS
Latest News