Saxilnews.com
Ciidamo Tiro Badan Oo Saaka Lasoo Dhoobay Wadooyinka Caasimada Hargeysa Iyo Nooca Hawl Gallka Ay Fulinayaan
April 22, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa(Saxilnews) Waxa saaka bulshada caasimada Hargeysa ay hal mar uu ku waabariisatay ciidamo tiro badan oo lasoo dhoobay wadooyinka Caasimada Hargeysa kuwaas oo iskugu jiray ciidamada Booliska iyo Ciidamada nabadgaliyada wadooyinka Somaliland.

Ciidamada oo aad u tiro badan ayaa waxa ay hawl gallo kala duwan ka fulinayeen wadooyinka caasimada Hargeysa iyaga oo ciidamada Boolisku ay baadhayaan gaadiidka kala duwan ee maraya wadooyinka halka ay ciidamada nabadgaliyada wadooyinkuna ay wadayaasha gaadiidka waydiinayaan sharcigii wadista baabuurta.

Waxaana saaka ay ciidamadu xabsiga u taxaabeen gaadiid iyo wadayaal tiro badan kuwaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidamadu.

Hawlgallkan ay saaka ciidamadu bilaabeen Ayaan ahayn kii u horeeyey balse waxa uu daba socdaa hawl gallo ay mudooyinkii u danbeeyey ciidamadu ka wadeen gudaha gobolada Somaliland kaas oo uu ku amray taliyaha ciidanka booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

 

COMMENTS
Latest News