Saxilnews.com
CIIDAMADA ITOOBIYA OO HAWEENAY KU DILAY XUDUUDKA SOMALILAND MID KALANA KU DHAAWACAY
September 1, 2015 - Written by admin

Baligubadle ( Saxilnews)-Hala qof ayaa dhintay inta la xaqiijiyey, halka mid kalena uu dhaawac soo gaadhay, kadib markii ciidamada itoobiya ay xadka Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeya ee dhaca inta u dhaxaysa Baligubadle iyo Kaabada Bari rasaas ay ku fureen laba gaadhi oo siday xoolo nool.

Dhimashada ayaa ah sida ay noo xaqiijisay wariye Hodan Dalmar oo ka tirsan saxaafiyiinta madaxa banaan ee ka hawl gala magaalada Baligubadle gabadh Somaliland ka soo jeeda oo ay magaceeda ku soo gaabisay Umulkhayr. Waxaanay intaas ku dartay in haweenay kale ay dhaawac tahay

Cisbitaalka magaalada Baligubadle ayaa la dhigay meydka iyo dhaawaca, halkaas oo lagula tacaalaayo gabadha dhaawacu soo gaadhay xaaladeeda caafimaadkeed.

Ciidamada itoobiya ee ku sugan xadka labada dal ayaa la hadhay gaadhi kale oo siday xoolo, kaas oo sida la sheegay lagu qabtay cidhifka xadka Somalilanday itoobiya la wadaagto.

Xaalada deegaanka Baliguabdle ayaa saaka laga dareemaayaa jawi kacsan, waxaana jira warar hoose oo ka soo baxaya maamulka uu hoos yimaado ciidamada dilka iyo dhaawaca gaystay oo sheegay in xaalada la dejiyo wixii khasaare ahna ay maamul ahaan maarayn doonaan.

maxamed xasan

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News